(Hortabin Media) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Galgaduud, waxaa duqeyn lagu beegsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.
Xubanahan ayaa ku sugnaa magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo ay dhawaan isaga soo baxeen ciidamada dowladda, isla markaana dib u gashay gacanta Al Shabaab.
Duqeynta ka dhacday Ceelbuur ayaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu soo koobay Sahal, kaas oo Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca maaliyadda gobolka Galgaduud.
Sida ay dowladda Soomaaliya shaacisay waxaa sidoo kale duqeyn lagu dilay 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab, kadib howlgal laga sameeyey deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.
Mudooyinkii ugu danbeeyey Kooxda Al Shabaab ayaa la kulmeysay duqeymo kala duwan, oo qeyb ka ah howlgalka looga soo horjeedo ee ka socda qeybo ka mid ah gudaha dalka.
Duqeymahan ayaa kooxda ku kordhiyey wal walka ku aaddan gulufka dalka looga xoreynayo, waxaana duqeymahan oo ay Soomaaliya ka taageerayaan dalalka Turkiga iyo Mareykanka, sanadkan gudihiisa Al Shabaab looga dilay xubno muhiim u ahaa, iyadoo lagu bur buriyey saldhigyo dhowr ah oo ay kooxdu leeyihiin.