(Hortabin Media) Soomaaliya ayaa toddobaadkan daah furtay madal lagu hirgalinayo Kaarka aqoonsiga dadweynaha ee National ID-ga dalka Soomaaliya, taas oo noqotay tallaabo dhanka dowladnimada ah oo hore loo qaaday.
Nuxurka qaadashada kaarka aqoonsiga ayaa ah mid muwaadiniinta Soomaaliyeed siinaya in ay si damaanad leh ugu safri karaan dunida inteeda kale, maaddaama aan horey loo aqoonsaneyn ama dunidu shaki ka muujineysay jiritaan dal ahaan ee Soomaaliya.
Kaarka aqoonsiga qaran ayaa sidoo kale xal u ah caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha.
Wuxuu geesta kale dhibaato badan ku ahaa arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka, wuxuuna cuuryaaminayey maalgashiga ay dalalka shisheeye ku sameynayaan Soomaaliya, maddaama aanu jirin wax kaar aqoonsi ah.
Hannaankani ayaa noqonaya mid ka turjumaya dowladnimada soo kabaneysa ee Soomaaliya, waana arrin fursad u siineysa in muwaadiniintu ay helaan kaarar cadeynaya jinsiyadooda Soomaalinimo.
30-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya waxey noqotay dal dhinac walba ka bur buray, waxaana howlgab noqday hay’adihii dowliga ah ee u shaqeynayey muwaadiniinta, sababo la xiriira dagaalladii dalka ka socday, kuwaas oo Soomaali badan ku qasbay in ay dalka isaga cararaan, si ay u helaan nolol dhaanta tan dalkooda hooyo.