(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa dhawaan soo bandhigtay Bustayaal, la sheegay in ay ku dhuuman karaan xubnaha Al Shabaab ee bartilmaameedka u noqday diyaaradaha duqeymaha fulinaya.
Bustayaashan ayaa lagu qabtay gaari, uu waday nin darawal ah, kaas oo sida la sheegay agabkan ka soo qaaday Magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.
Ninkan ayaa maxkamada ka hor sheegay in Bustayaashan loogu soo dhiibay nin isna jooga suuqa Bakaaraha, kaas oo sida la sheegay lagu amray inuu ku wareejiyo.
Sida ay Maxkamada ka sheegeen baarayaasha kiiskan iyo xeer ilaalinta, bacahan ayaa loo waday xubnaha Al Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe, kuwaas oo waqtigan la kulmaya duqeymo culus oo dhanka cirka ah.
Sida maxkamada laga hor sheegay Qalabkan bustayaasha ah ayaa ka samaysan maadada macdanka (aluminium) kuwaas oo loo adeegsado siyaabo kala duwan, waxaana Shabaabku u isticmaalayeen in ay kaga ganbadaan diyaaradaha duqeymaha la beegsanaya.
Arrintan ayaa abuurtay hadal heyn aad u fara badan, waxaana si aad ah u falanqeynaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood la yaab ku noqotay xaaladaha adag ee ay Al Shabaab waqtigan ku sugan yihiin.
Tan iyo billawgii sanadkan Al Shabaab waxaa laga dilay dagaalyahano kor u dhaafay 2-kun, waxaana badankood ay ku geeriyooday duqeymo dhanka cirka ah, oo fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay Soomaaliya ka taageeraan dalalka Mareykanka iyo Turkiga.