(Hortabin Media) – Mar kale ayaa furimaha dagaalka lagu arkayaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.
Labadan nin xil ka qaadistoodii kadib, wey faarujiyeen furimaha dagaalka, maaddaama qorshaha dagaalka gacanta laga geliyey raggii lagu baddalay.
Dhawaan Safarkii Madaxweynaha uu ku tagay Magaalooyinka Maxaas iyo Aaden Yabaal, ayaa suura-geliyey in dib ay u billaabaan howlahooda, kadib kulamo uu la yeeshay Xasan Sheekh Maxamuud.
Howlgalka oo uu gaabis ku yimid, ayuu Madaxweynuhu garwaaqsaday in aan looga maarmi karin waqtigan gulufka ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.
Labadan nin ayaa door weyn ka qaatay wajigii hore ee dagaalka, kaas oo Al Shabaab kal hore looga xoreeyey inta badan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waqtigan Cali Jeyte iyo Odowaa Yuusuf Raage waxaa la saaray masuuliyad weyn oo ku aaddan dejinta qorshaha dagaalka Al Shabaab looga sifeynayo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabelle.
WQ: Ayaanle Qoyste