(Hortabin Media) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Kulankan ayaa noqday mid si weyn loo soo dhaweeyey, waxaana lagu tilmaamay tallaabo dhiira-gelin u noqon karta ciidamada jooga furimaha hore ee dagaalka.
Madaxweynaha ayaa ciidamada kala hadlay ahmiyada ay Soomaaliya u leedahay dagaalka Al Shabaab, isagoo uga digay in ay isku khilaafaan qorshayaasha dagaalka loo dejiyey.
Intii uu kulanka socday saraakiisha ayaa Madaxweynaha ku wargaliyey in aanay dib danbe uga soo baxeynin goobaha ay kala wareegaan Al Shabaab, taas oo qeyb ka ahayd arrimihii uu ka careysnaa Madaxweynaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah, kulamo joogta ah oo uu mudooyinkan Madaxweynaha la yeelanayey saraakiisha ku sugan furimaha hore ee dagaalka, maaddaama uu jiray khilaaf hoose oo ka dhaxeeya saraakiisha qaarkood.
WQ: Ayaanle Qoyste