(Hortabin Media) – Faah faahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday xubno muhiim ah oo ka tirsan Al Shabaab.
Duqeyntan oo laga fuliyey gobolka Baay, ayaa lagu dilay madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale oo la joogay oo dhamaantood ka tirsan Al Shabaab.
Wasaarada gaashaandhiga oo xogtan warbaahinta la wadaagtay ma shaacin magacyada ragga la beegsaday, oo ahaa kuwo in badan lagu daba jiray
Bilihii ugu danbeeyey waxaa kordhayey duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo Al Shabaab, taas oo culeys adag ku keentay kooxda, oo iminka laga saaray deegaanno fara badan.
WQ: Ayaanle Qoyste