(Hortabin Media) – Warbaahinta Hortabin Media ayaa helaysa xogo ku aadan qaraxii maanta ka dhacay Degmada Dayniile ee Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontorool, oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaan dhista oo ku taal degmada Dayniile.
Qaraxa ayaa khasaare gaarsiiyey ciidamadii ku sugnaa goobtaasi, waxaana ku dhaawacmay 5 askari, iyo qof shacab ah oo goobta marayey.
Ciidamada dhaawaca ah ayaa iminka xaaladooda lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka Muqdisho, halkaas oo la gaarsiiyey kadib dhibaatadii qaraxa ka soo gaartay.
Qaraxii Dayniile ayaa abuuray cabsi badan oo soo wajahday dadka Muqdisho, kuwaas oo is weydiinaya halka la soo mariyey qaraxa iyo cida fududeysay, maaddaama si aad ah loo sugayo amniga Muqdisho, oo ay ciidamo badan taagan yihiin wadooyinka.
Xog aan helnay ayaa sheegeysa, in qaraxani lagu farsameeyey garaash ku yaalla gudaha Dayniile, kaas oo iminka baaritaan lagu wado, sida ay inala wadaageen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan, iyagoo tilmaamay in ay ku beegsadeen saraakiil ka tirsan kuwii joogay fariisintii ay weerareen.
Si kastaba kooxda Al Shabaab ayaa maalmahan culeys xooggan saareysa Muqdisho, xilli caddaadis adag ay kala kulmayaan gobollada dhexe ee dalka, halkaas oo uu ka socdo guluf iyaga ka dhan ah.
WQ: Ayaanle Qoyste