(Hortabin Media)- Bilihii ugu danbeeyey waxaa kordhay xubnaha Al Shabaab ka tirsan ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya, sababo la xiriira howlgalada ay dowladda ka wado gobollada dhexe.
Shalay oo ugu danbeysay waxaa Al Shabaab ka soo goostay Xasan Cilmi Siyaad oo ka mid ahaa madaxda Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, kaas oo muddo badan u shaqeynayey kooxdaasi.
Waxaa kale oo ka sii horeeyey Horjoogihii qaraxyada ee gobolka Mudug Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, oo isna muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab, isla markaana ka shaqeeyey qaraxyo ay dad badani wax ku noqdeen.
Dhawaan Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay wuxuu sheegay in ay isi soo tarayaan xubnaha Al Shabaab ka soo goosanaya.
Wuxuu sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay July iyo August ay isa soo dhiibeen illaa 107 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab.
Isi soo dhiibida xubnaha ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu macneynayaa culeyska milatari ee kooxda heysta, iyagoo caddaadis adag kala kulmaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo fulinaya duqeymo joogto, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al Shabaab.
WQ: Ayaanle Qoyste