(Hortabin Media) – Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Golaha Shacabka ku matala Jeneral Sheegow Axmed Cali ayaa dadaal ugu jira, sidii uu xoriyadiisa ku heli lahaa.
Xildhibaanno u ololeynaya in la sii daayo Sheegow 30kii bishii aynu ka soo gudubnay, ay Gudoonka Barlamanka u gudbiyeen mooshin ku aaddan caddaalad u raadinta Jeneral Sheegow.
Xildhibaanadan ayaa xusay in mooshinka ay saxiixeen ku dhawaad 30 mudane, kuwaas oo doonaya in barlamanka la horkeeno arrinta Jeneral Sheegow.
Xildhibaanada beelaha Jareerweyne ee Barlamanka ku matala Jeneral Sheegow, ayaa gudoonka golaha shacabka ku eedeeyey dib u dhigista mooshinkaasi, waxeyna arrintaasi ku tilmaameen mid caddaalada baalmarsan.
Sheegow Axmed Cali oo hore uga tirsanaan jiray Ciidamada milatariga Soomaaliya, ayey dowladdu soo xirtay kadib markii ay ku eedeysay in ciidamo uu heystay ay falal amni darro ka sameeyeen degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.
Bannaabaxyaan ka soo jeeda beeshiisa oo Muqdisho dibadbax ka dhigay, ayaa muujiyey dareenkooda, waxaase mar kale laga hor-istaagay in ay dhigaan dibadbax, maaddaama kii ay hore u dhigeen uu ahaa mid rabshado wata sida ay booliska shaaciyeen.
WQ: Ayaanle Qoyste