(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa baahisay muuqaal, laga dheehan karay in ay awood is bidayaan, kaas oo ay ku soo bandhigeen askar ay ku qabteen weerarkii Coosweyne ka dhacay todobaadkii aynu ka soo gudubnay.
Kooxda ayaa intii uu muuqaalka socday hanjabaad u dirtay ciidamada qalabka sidda, iyagoo faray in ay isaga baxaan qorshaha dagaalka looga soo horjeedo, kaas oo sida ay xuseen aan ku dhisneyn qorshe dhab ah.
Muuqaalkan ayey kooxdu ugu tala galeen in ay ku niyad jabiyaan ciidamada qeybta ka ah gulufka looga soo horjeedo joogitaankooda dalka.
Askartii filimkan ka soo muuqatay ayaa wajiyadooda laga dheehan karay murugo, waxaana oogadooda ku yaallay dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii Coosweyne.
Al Shabaab ayaa weerar ay ciidamo badan ku dileen todobaadkii hore ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.
WQ: Ayaanle Qoyste