(Hortabin Media) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan iyo kii ka horeeyey isaga baxay deegaano ay horey uga qabsadeen Al Shabaab.
Haddaba maxaa soo de-dejiyey ka bixista ciidamada dowladda ay faarujiyeen deegaanadaasi?
Aqoonyahanada qibrada u leh amniga, ayaa sheegaya in dhowr arrimood ay soo de-dejisay in dowladda ay deegaanadaasi isaga baxdo.
Arrinta koowaad ayaa lagu sheegayaa xeelad dagaal, ama dib u gurasho, ka dhalatay deg deg markii hore la muujiyey.
Qubarada ayaa sidoo kale sheegaya, in dowladda ay cabsi ka muujineyso weerarada rogaal celiska ee ka imaanaya dhinaca Al Shabaab, sida weerarkii ay ku qaadeen saldhigii Coosweyne ay ku lahaayeen ciidamada Dowladda.
Faarujinta Ceelbuur, Ceeldheer, Galcad iyo Budbud, ayaa kalsooni badan siinaya Al Shabaab, waana mid laga cabsi qabo inuu saameeyo gulufka looga soo horjeedo argagixisada.
WQ: Ayaanle Qoyste