Waxaa saacadihii la soo dhaafay kooxda Al Shabaab laga qabsaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo ay sanado badan maamulayeen Al Shabaab.
Ceelbuur ayaa laga soo abaaray jihada dhanka Galcad, taas oo fududeysay in lala wareego, iyadoo Al Shabaab aysan muujin wax iska caabin ah.
Xoreynta Ceelbuur ayaa muhiimad weyn ugu fadhisa dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug, maaddaama ay tahay magaalo qadiimi ah, oo sida kalana ah goob istaraatiiji ah.
Qabsashada Ceelbuur ayaa sahli karta in ay gacanta dowladda soo galaan deegaanno badan oo ka tirsan Galgaduud.
Xoreynta Ceelbuur waxaa soo dhaweeyey madaxda maamulka Galmudug iyo kuwo dowladda dhexe, waxaanay bogaadiyeen guulaha ay ciidamada dowladda gaareen.
Xoreynta Ceelbuur ayaa ka mid ah qorshayaasha uu Madaxweynaha Soomaaliya mudooyinkii ugu danbeeyey u joogay Galmudug, waana tallaabo hore loo qaaday.