Af-ka Soomaaliga ayaa ku dhaw inuu dabar-go’, waxaana booskiisii buuxiyey afaf qalaad oo ay dadku si xowli ah u isticmaalayaan.
Af-Soomaaliga oo ah luuqad hodan ah, ayaa waxaa adeegsigiisa caqabad ku noqday afafka qalaad, sida Ingiriiska iyo Carabiga.
Arrintan ayaa horseeday in ay ambadaan dhallinyarada Soomaaliyeed, maaddaama aysan aqoon milgaha iyo qiimaha uu leeyahay afkooda hooyo oo uu ka xoog batay luuqado shisheeye.
Isticmaal yarida afka Soomaaliga ayaa saameysay fanka, waxaana soo baxay heeso loo yaqaan Rap, kuwaas oo ay aad iminka uga helaan dhallinyarada.
Heesahan Rap-ka oo aan lahayn milgihii sugaanta Soomaalida, ayaa waxaa ku jira erayo aan u wanaagsaneyn afka, waxaanad arkeysaa dhallinyaro aad u da’ yar oo ku hadaaqaya weedhahaasi.
Aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dowladda ka codsaday in ay sare u qaado howlaha ay qabato Akadeemiyad goboleedka afka Soomaaliga, lana abuuro madallo dhallinta loogu sheegayo qiimaha afkooda.