(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dalka ka xireyso qaar ka mid ah baraha bulshada ee ay Soomaalidu sida aadka ah u isticmaasho, waxaana ka mid ah Tiktok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET.
Qoraal ka soo baxay Wasaarada Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mamnuuceyso barahan bulshada ku xiriirto, sababo la xiriira dhibaatada ay ku hayaan bulshada.
Qoraalka ayaa daba joogay shir shalay Muqdisho ku soo gebagaboobay, kaas oo looga hadlay, badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada.
Tik-Tok, Telegram iyo Barnaamijka khamaarka ee 1XBET ayaa dhibaato ba’an ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana isticmaalka barahan ay ku lumiyaan waqti aad u fara badan.
Si Kastaba dowladda ma sheegin waqtiga uu dhaqan galayo go’aankan, balse dadka isticmaala barahan bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya.