(Hortabin Media) – Bannaabax ballaaran oo rabshado wata ayaa maanta ka dhacay qeybo ka tirsan wadooyinka magaalada muqdisho, waxaana dibadbaxyaashu gubayeen taayiro iyagoo qal qal galiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Bannaabaxan oo ay dhigeen taageerayaasha Sheegow Axmed Cali ayey uga soo horjeedeen xarigiisa, waxaanay dalbanayeen in la sii daayo.
Bannaanbaxa oo socday dhowr saacaadood, ayaa waxa amarkii danbe dibadbaxyaasha kala eryey ciidamo ka tirsan dowladda fedraalka.
Ciidamada dowladdu ayaa shalay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ka soo qabtay Jeneral Sheegow Axmed Cali, halkaas oo ay ciidamo taabacsan isaga iyo kuwo boolisiyo milataro ay ku dagaallameen, kadib markii ay ku eedeyeen inuu gabaad u noqday ciidamado qal qal galinaya amniga degmada Dharkeenleey.
Booliska aya soo qabashadiisa kadib warbaahinta u sheegay in Sheegow uu hore u ahaa dhamme ka tirsan ciidamada xoogga, halka taagerayaashiisu ay sheegayaan inuu yahay General ka tirsan ciidamada.
Laamaha amniga dowlada soomaaliya ayaanan ilaa iyo iminka la hadlin banaanbax maanta muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha uu geystay, xiriir aan la sameyneyna wey inoo suura gali weysay inaan helno.