(Hortabin Media) – Dilalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya u geysanayaan dadka rayidka ah, ayaa sanadihii ugu danbeeyey joogto noqday, ilaa iyo iminkana cid xakameysay ma jirto.
Dadka siyaasada Soomaaliya la socda ayaa sheegaya in arrintan ay keeneyso, dhallinyarada askarta loo qorayo, kuwaas oo innaba aanan fahamsaneyn qiimaha ay leedahay nafta muwaadinka.
Waxaa sidoo kale ka dhaadhacsaneyn ciidamada in mushaarkooda laga bixiyo canshuurta ay dhiibaan dadka rayidka ah, waana kuwo aan xog badan ka heynin dadka ay ku difaacayaan hubka ay sitaan.
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda oo arrinta ka soo saartay bayaan ayaa wacad ku martay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarigii hubka qaranka ku dhibaateeya qof muwaadin ah.
Inkastoo amarka Maxkamada uu si dhab ah u dhaqan-gelin haddana waxey mudooyinkii ugu danbeeyey xukunno ku riday qaar ka tirsan ciidamada oo dhibaateeyey dad rayid ah.
Isku soo duub, dhibaatooyinka soo noq noqonaya ayaa loo aaneynayaa muqaadaraadka iyo balwadaha ay isticmaalaan ciidamada qaar, kuwaas oo oggaalkooda wax badan u dhibaya isla markaana keenaya in ay fududeystaan masuuliyada ka saaran ilaalinta dhiiga dadka rayidka ah.