Chelsea ayaa iska dhistay khadka dhexe xagaagan, iyadoo lacag rikoor ah oo gaareysa £115m kula soo wareegtay da’yarka khadka dhexe Moises Caicedo.
Kooxda ayaa sidoo kale naadiga Southampton kala soo wareegtay Romeo Lavia oo ku soo iibsatay £53m, waana tallaabo wax weyn ka baddeleysa khadka dhexe ee kooxda.
Moises Caicedo oo ay ku qarash gareysay lacagta dhan £115m, ayaa khadka dhexe kula bahoobaya Enzo Fernandez oo ay isagana lix bilood ka hor ka soo bixisay £107m.
Xidigahan ayaa noqonaya khadka dhexe ee ugu qaalisan horyaalka Premier League, waana kuwo leh tayo sare, isla markaana kooxda ku soo kordhin kara natiijo wax ku ool ah.
Mulkiilaha Chelsea Todd Boehly, ayey weriyayaasha Sports-ku sheegayaan in aanu xilli ciyaareedkan ku khasaari doonin lacagahaasi, waxaana kooxda kulankeedii ugu danbeeyey ee ay la ciyaartay Liverpool ay muujisay bandhig fiican, wallow Caicedo iyo Romeo Lavia aanay kulankaasi qeyb ka ahayn.
Chelsea ayaa suuqa kala iibsiga ku kharash garaysay 270 milyan oo gini 7 ciyaartoy ilaa hadda, waana in ka badan kooxaha kale ee Yurub, waxayna u muuqataa in ay jabin doonto rikoorka suuqa kala iibsiga ee ah kooxdii ugu badneyd ee hal xilli ciyaareed lacagtaasi qarash gareysa, iyadoo dhaafi karta Real Madrid oo kal hore 292 milyan oo gini ku iibsatay 20 ciyaartoy.