(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ay sameysay diyaar-garow aad u xooggan oo ku wajahan wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Dowladda ayaa tilmaantay in diyaar-garowga uu ka xooggan yahay, midkii la muujiyey wajigii koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxdan argagixisada ah.
Waxey dowladdu tilmaantay in inta lagu guda jiro wajiga labaad ay ku soo afjareyso kooxda Al Shabaab, taas oo ay dad badani su’aal ka keeneyn, maaddaama kooxdan wax ka badan 15 sano ay ka dagaallameyso Soomaaliya.
Diyaar-garowga wajiga labaad ayaa xilligan si aad ah uga socda deegaanada maamullada Galmudug iyo Hirshabelle, halka dhawaan la filayo in ay ku soo biiraan Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo ah meelaha ay sida aadka ah ugu xooggan yihiin AL Shabaab.