Kooxaha Chelsea Iyo Liverpool oo wada ciyaaray ayuu kulankooda ku soo idlaaday barbar dhac 1-1 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska.
Goolka waxaa la hormartay Reds, waxaana u saxiixay daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta L. Díaz, waxaase inta aysan dhamaan qeybtii hore baro baro ka dhigay ciyaarta A. Disasi.
Chelsea ayaa wajaheysa dhibaato xooggan, waana mid aanan guuleysan 8-dii kulan ee ugu danbeysay Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda. Stamford Bridge.
Inkastoo kulankaan ay dadaal muujisay, haddana guul la’aanta garoonkeeda ayaa ah caqabadii ugu dheereys ee ay wajahdo tan iyo bishii November 1994-April 1995, markaas oo aanay wax guul ah ku gaarin garoonkeeda kulamo gaaraya 12.