Sida ay sheegeyso warbixin dhawaan ka soo baxday, shirkadaha maraakiibta caalamiga ah, waxaa hoos u dhacay halistii burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.
Kooxdan oo ka kooban lix hay’adood oo caalami ah oo ay ku jirto Rugta Caalamiga ah ee Maraakiibta (ICS) ayaa sheegay in laga bilaabo sanadka soo socda in Badweynta Hindiya aan loo qaadan doonin khatar sare maaddaama aysan jirin weeraro lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya tan iyo 2018-kii.
Burcad badeeda xeebaha Soomaaliya, ayaa ayaa si weyn u soo shaac baxay 2008, iyagaa qafaashay tiro maraakiib ah, oo ay ka heleen lacago badan oo madax furasho ah.
Intii ay jirtay halista burcad badeeda waxaa yaraaday, ganacsiga batroolka badda caalamiga ah, kaas oo in ka yar boqolkiiba 10 mara gacan cadmeed, marin biyoodka u dhaxeeya Yamen iyo geeska Afrika, sida laga soo xigtay maamulka macluumaadka tamarta ee Mareykanka.
Dhimista khatarta burcad badeeda, ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay howl gallada ka dhanka burcada ee uu caalamku ka wado xeebaha Soomaaliya iyo marin biyoodyada ku dhaw.