(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa xayiraad xooggan ku soo rogtay qaar ka mid ah xarumo ay shirkadda Hormuud ku lahayd gobolada dalka Soomaaliya.
Xayiraada ay Al Shabaab ku soo rogtay Shirkadda Hormuud ayaa si gaar ah u saameysay xarumihii ay shirkada ku lahayd deegaanno ka tirsan Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Juballand.
Haddaba xoggo ay heshay Hortabin Media ayaa sheegaya in xayiraada ay timid, kadib markii Shirkadda ay ka dhaga adeegtay amar uga yimid Al Shabaab, kaas oo ay kooxdu ku dalbaneysay in la siiyo lacag horumaris ah, maaddaama ay bil walba Hormuud ka qaado lacago fara badan.
Kooxda ayaa soo dirsatay fariin ah, in loo sii horumariyo lacagtii la siin lahaa sanadka 2024-ka, taas oo shirkadda Hormuud u cuntami weysay, iyadoo ku dooday in dhaqaalahaasi aanay awoodin.
Al Shabaab oo uu ku soo socdo gulufka wajiga labaad ee looga soo horjeedo, ayaa dooneysa in ay dhaqaale badan ku shubtaan akoonadooda, si uu uga kala yaraado culeyska dagaal ee ku soo fooda leh.
Kal hore Al Shabaab ayaa hakisay dhaq dhaqaaqii shaqaalaha iyo gaadiidka shidaalka ee shirkadda, waxaana tallaabadan ay sare u qaadeysaa caddaadiskii ay Al Shabaab ku hayeen Shirkadaasi.
Masuuliyiinta Shiradda Hormuud oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan xayiraada lagu soo rogay, waana arrin loo fasiran karo cabsi la xiriirta dhinac amniga.