(Hortabin Media) – Barqanimadii maanta ayaa qarax xooggan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo marayey deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho.
Qaraxan oo ay askar badani ku geeriyoodeen ayaa ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana kolonyada gaadiidka ah saarnaa ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeriyootay askar dhan ilaa 4, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la sheegin.
Qaraxan waxaa sidoo kale ku geeriyooday dad rayid ah, kuwaas oo gaaraya ilaa seddex ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale, oo dhamaantood goobta ka agdhawaa.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan miino ee lagu beegsaday ciidamada milatariga Soomaaliya.
Xaaladda deegaanka Daarusalaam ayaa iminka ah mid deggan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo fara badan, kuwaas oo ka wada baaritaano la xiriira falka dhacay.
Amniga Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyey sii xumaanayey, iyadoo Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada amniga lidiga ku ah ee ay magaalada ka fulinayaan.