(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guullo ka sheegtay howlgal ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoostaga deegaanka Daaru Nicma.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay bur buriyeen saldhigyo dhowr ah oo ay Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah uga qeyb qaatay ciidamada Kumaandoosta Danab, kuwaas oo hoosta ka xariiqay in ay duqeymo ka geysteen goobo ay isku aruursanayeen Al Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ma sheegin khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas ay ku beegsatay xubnaha ka tirsan Al Shabaab.