(Hortabin Media) – Garsoorka Soomaaliya oo fadhiid ahaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ayaa weli ah mid liita, waxaana kordheysa cabashada ka imaaneysa shacabka.
Garsoorka ayaa ilaa maanta ah, mid ay ku lammaanan eex iyo wax is-daba marin, taas oo diideysa in muwaadinku uu helo garsoor xalaal ah.
Madaxda ugu sareysa dalka ayaa dhowr mar hay’adaha garsoorka ugu baaqay in ay bulshada ugu adeegaan qaab caddaalad ah, balse fariimahaasi ayaa u muuqda kuwo dhagaha laga fureystay.
Dadka isku heysta xukunada madaniga, sida dhulalka iyo guryaha, ayaa weli dacwadahooda geystay meelaha ay Al Shabaab joogaan, oo ay ku tuhmayaan caddaalad.
Dadkan ayaa garsoorka dowladda uga cararaya dhaqaalaha fara badan ee lagu xujeynayo, oo ay u dheertahay laaluushka laga qaadanayo qofka loo xukminayo dhulka, taas oo ah arrin ka fog caddaalada.
Caddaalada darrada ka jirta garsoorka Soomaaliya, waxaa dhawaan cadeeyey taliyaha ciidamada Asluubta, kaas oo sheegay in ay xabsiyada ka buuxaan dad ku xiran sifo sharci darro ah.
Eedaha dul hogganaya garsoorka Soomaaliya ayaa baahaya, ilaa iyo iminkana ma jirto cid isku taagtay wax ka qabashadiisa.