(Hortabin Media) – Dagaalka lagula jiro musuqa ayaa sii xoogeysanaya, waxaanay xilligan ay dowladdu diirada saareysaa safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibadiisa.
In muddo ah ma jirin cid si gaar ah u daba gasha safaaradaha Soomaaliya ee dalka dibadiisa, warna lagama heynin sharuucda ay ku shaqeeyaan iyo dhaqaalaha soo gala.
Waxa keliya ee ay shacabku arki jireen ayaa ahaa qunsul safaarad loo magacaabayo, iyo mid xil ka qaadis lagu sameynayo, balse arrintaasi ayaa u muuqato mid iminka gebogabo ah, maaddaama la billaabay isla xisaabtan.
Isniintii Xafiiska hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa warbixin uu soo bandhigay ku sheegay in 3-Milyan oo dollar ay ku maqan tahay safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka.
Warbixintaasi ayaa dhalisay hadal heyn aad u fara badan oo bulshada dhexdeeda ah, waxaana la filayaan in sidoo kale baaritaano lagu sameeyo safaarado kale oo dhowr ah.
Arrintan ayaa keeneysa in loo yeero safiiro kala duwan, isla markaana lagu soo oogo eedo la xiriira musuq maasuq, oo ay qaarkood ku muteysan karaan xabsiyo.