(Hortabin Media)- Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay degaanka Qayaadsame oo hoostaga degmada Carmo ee Gobolka Bari.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Bas ah iyo Gaariga loo yaqaanno ( Candho-meydle ) oo ah gawaarida waaweyn.
Inta la ogyahay waxaa shilkan ku geeriyooday hal qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 8 kale, kuwaaas oo xaaladooda lala tacaalayo.
Shilalka ku soo badanata dhulka Soomaalida ayaa loo sababeeyaa aqoon yari dhanka darawalada ah, iyo bur burka hareeyey wadooyinka dalka.