Saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab ayaa howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanno hoostaga gobolka Galgaduud.
Howlgalkan ayey ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Galacad, gaar ahaan Deeganada Ceel qurac, Galgoof iyo dhulka Howdka ah ee u dhaxeeya Gal libaax iyo Alfuraad.
Howlgalka waxaa lagu beegsaday fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana la bur buriyey dhowr saldhig.
Lama sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay howlgalkaasi iyo cidda lagu soo qabtay, balse waa mid qeyb ka ah howlgaladii ay dhawaan wadeen ciidamada dowladda.