Qoysas tiradoodu gaareyso 360 oo u badan haween caruur iyo dad waayeel ah oo ka soo barakacay deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen ee dalka ayaa maalimihii ugu danbeeyey soo gaaray xeryo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Dadkan ayaa wajiyadooda laga dheehanayaa daruufo kala duwan oo dhinaca nolosha ah, waxaana qaarkood ay soo lugeeyaan masaafo dheer si ay u soo gaaraan kaamamka ay iminka ku sugan yihiiin.
Qoysaskan ayaa sheegay in xoolihii yo berihii ay lahaayeenba ay cagta marisay abaartu, waana kuwo xubeer oo xiligan tuban duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku heyso hoy la’aan cunno yarri iyo caafimaad darri.
Haweenka barakacayaasha ee soo gaaray duleedka Muqdisho gaar ahaan degaana Tareedisho ayaa waxaa ka mid ah xaawo ibraahim oo tibaaxday in gaajo iyo haraad ay ka soo barakacday.
Mako Amiin oo wadata caruur xanuusan ayaa sheegtay in dhibaatadii ay ka soo barkacday mid ka daran ay ku heysato Duleedka Muqdisho, waxeyna dalbatay in gargaar lala soo gaaro.
Dadkan barakacayaasha ah oo tiradoodu aad u badan tahay ayaa ka siman dhinaca wax la’aanta baahsan ee hareysay mana heystaan hal xili oo ka mid ah 3 waqti ee ay dadku raashinka quutaan.
Kaamka Midnimo oo ku yaalla duleedka Muqdisho oo ah halka ay ku soo barakaceen qoysaskan, ayaa waxaa horey ugu dayacnaa barakacayaal araga naafo ka ah, taas oo sii adkeysay xaaladda nololeed ee kaamkaasi ka jirtay.