Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhaw Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Dowladda oo halkaasi ku sugnaa ayaa iska caabiyey, kadib dagaal qaatay saacado badan.
Dhinacyada ayaa isku adeegsaday intii uu dagaalku socday hubka noocyadiisa kala duwan, waxeyna kooxdu ku guul dareysatay in ay qabsato deegaankaasi.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, waana markii seddexaad oo ay Al Shabaab deegaankaasi weerarayaan.
Al Shabaab ayaa u tafa xeydaneysa sidii ay deegaanka Goofgaduud ula wareegi lahayd, maaddaama ay tahay meel Istaraatiiji ah, oo laga ilaaliyo amniga Baydhabo.