Maalmihii ugu danbeeyey ciidamo hubeysan oo u abaabulan qaab jabhad ah, ayaa qal qal galiyey amaanka deegaanada Somaliland, gaar ahaan gobolka Maroodi jeex oo ay ku taallo Madaxtooyada Somaliland.
Kooxdan hubeysan ayaa saldhig ka dhigtay Buurta Gacan Libaax, oo duleedka kaga taalla magaalada Hargeysa, una dhaw buuraha Goolis.
Dhowr jeer oo is xig xig ayey weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland, waxaana weerarkii ugu danbeeyey oo dhacay shalay ka dhashay khasaare kala duwan.
Jabhadan ayaa sida muuqata ka soo horjeeda dib u dhigista uu Muuse Biixi ku sameynayo doorashada Madaxtinimo ee Somaliland, waxaana jabhadan hubeysan ay garab ka helayaan xisbiyada mucaaridka.
Muuse Biixi oo ka hadlay jabhadan ku soo korotay deegaanada Somaliland, ayaa ugu baaqay in ay hubka dhigaan isla markaana la ilaaliyo nabada kooban ee ka jirta deegaanada Somaliland.
Kooxdan oo si aad ah looga hadal hayo deegaanada Somaliland, ayaa dhawaan afduubtay saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso 8 askari.