Waxaa maanta markii labaad maxkamadda Gobolka Banaadir ay dhageysatay dacwada loo heysto masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda oo ku eedeysan musuq maasuq
Ragga maanta maxkamada la soo taajiyey ayaa ku magacawnaa xilal kala duwan, waxaana magacyadooda ay kala yihiin: Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi oo ahaa maamulihii Bankiga Dhexe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Qasnajigii Bankiga Dhexe qeybta dakhliga ajaanibta oo lagu magacaabo Cabduqaadir Cabdi Socdaal.
Xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay raggan masuq maasuq, waxaana fadhiga maxkamaddda laga hor sheegay in ay ku kaceen ka been abuurka dukumtiyada lacag qabashada, iyagoo sidoo kalana sameeyey lacag dhaqid.
Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in masuuliyiintan ay ku eedeysan yihin xeerka ka hortaga lacag dhaqista iyo maal-gelinta aragagixisada, waxaana sida xeer ilaalintu tilmaantay ay dhawaan soo bandhigi doontaa cadeymaha denbiyada lagu heysto.
Dhageysiga dacwada kadib Fadhiga Maxkamada ayaa la soo gebagabeeyey, iyadoo dhawaan ay maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto eedaha masuuliyintan loo soo jeediyey.
Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ku dhaqaaqday dagaalka ka dhanka ah musuqa, waxaa isi soo tarayey masuuliyiinta xilalka ka soo qabtay dowladda ee lagu soo oogayo eedo ku qotoma musuq.