Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Gudaha Dhuusamareeb ayaa si aad ah looga dareemayaa dhaqdhaqaaqa lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo lagu wado haddaanu qorshuhu is baddelin in ay maanta gaaraan halkaasi.
Sidoo kale waxaa la adkeeyey amaanka magaalada Dhuusamareeb, waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan, oo ilaalinayey wadooyinka muhiimka ah.
Safarkan Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah safaro uu ugu kuurgalayo xaaladda maamullada dalka, gaar ahaan kuwo dhawaan ay ka billabaneyso wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.