Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad saartay nin lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Yuusuf, kaas oo ka tirsan hoggaamiyayaasha kooxda Daacish gaar ahaan garabka Soomaaliya ka dagaallanta.
Ninkan ayaa la sheegay inuu yahay madaxa maaliyada daacishta Soomaaliya, waxaana lagu soo oogay eedo la xiriira inuu Soomaaliya keenay dagaalyahano ajaanib ah, oo ka garab dagaallanta daacishta Soomaaliya.
Cabdiweli ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu Soomaaliya keenay Hub iyo saanad kale oo ciidan, waxana sida ay sheegtay wasaarada maaliyadda Mareykanka uu ninka Daacishta Soomaaliya u qaabilsan yahay bixinta dhaqaalaha Daacishta kale ee Afrika ku sugan.
Kooxda Daacish oo ka mid ah ururada argagixisada ee Soomaaliya ka dagaallama, ayaa dhaqaale ka sameysa lacagaha baada ee ay ka qaadaan ganacsatada, waxaana xooggooda ay ku dhuumaaleystaan buuraha Galgala.
Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay Wasaarada Maaliyadda Mareykanka Sanadihii 2021- ilaa 2022-ka Daacishta Soomaaliya waxaa gacantooda soo galay lacag gaareyso 4.5 milyan oo dollar, iyagoo dhaqaalahaas ka qaaday ganacsatada Soomaalida.