Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.
Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.
TRENDING
- SOOMAALIYA: Qiimaha shidaalka oo weli cirka ku jira, xilli uu qiimihiisu hoos u dhacay!!
- Pakistan oo howlgalo ka fulisay xadka ay la wadaagto Afghanistan
- Golaha khubaradda Iran oo fatwooday dilka Trump iyo Netanyahu
- Nicolás Maduro oo ka hadlay xaaladda Venezuela Xilli uu weli u xiran yahay Mareykanka
- Midawga Yurub oo Walaac ka muujiyey Xiisada gobolka Tigreega
- Maxaa ka soo kordhay Is-afgaradka ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran?
- Wadamada Ajiibay Baasaboorka Soomaaliga
- Khasaaraha ka dhashay dhulgariir ku dhuftay Venezuela
