Dowladda Ciraaq oo ka dhiidhineysa falkii gudaha Sweden loogu gubay Kitaabka Qur’aanka ayaa dalkeeda ka ceyrisay safiirkii Sweden u fadhiyey Ciraaq.
Falkan bishii June waxaa Sweden ka geystay nin Ciraaqi ah, kaas oo kitaabka Qur’aanka ku hor gubay masaajid ku yaalla caasimadda Sweden, xilli ay dad badan goobta ku sugnaayeen.
Waxaa geesta kale dibadbaxyo ay Muslimiintu ka dhigeen safaaradda Sweden ee magaalada Baghdad, iyadoo wax khasaare ah uusan soo gaarin diblomasiyiintii ku sugneyd halkaasi
Tan iyo markii uu Sweden ka dhacay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka waxaa isi soo tarayey dhaleeceynta ay kala kulmayaan dunida Islaamka ah.