Xiisada ba’an ee ka aloosan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka Laascaanood, ayaa weli loo la’yahay xal, waxaana socda dagaalka ay dhinacyadu isaga soo horjeedaan.
Dagaalka oo ah mid goos goos ah, ayaa hadda waxaa ku soo kordhay madaafiic ay dhinacyadu isugu jawaabayaan, kuwaas oo dhaliyey khasaare kala duwan.
Maamulka Somaliland, ayaa diidan inuu xaaladda ku xaliyo wax aan ahayn dagaal, waana tan sii adkeyneysa xiisada ka taagan Laascaanood.
Dadka reer Laascaanood ayaa iyaguna ka biyo diidsan ka sii mid ahaanshaha maamulka Somaliland, iyagoo qaba tabasho kala duwan, waxeyna dhawaan sameysteen guddi aayahooda ka taliya.
Tan iyo markii ay billaabatay xiisadan, waxaan dhinaca Somaliland ka soo tagay, siyaasiyiin, iyo saraakiil ciidan oo deegaan ahaaan ka soo jeeday Sool, waxaana dadkaasi ugu masuuliyad weynaa Gudoomiyihii gollaha wakiilada Somaliland oo iska casilay xilkii uu ka hayey Somaliland, iminkana ka mid ah guddiga aaya ka talinta SSC.
Waxaa guul-dareystay baaqyo nabadeed oo dhinacyada loo diray, kuwaas oo ka imaanayey waxgaradka Soomaalida iyo Beesha Caalamka.