Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed, ayaa eedeyn culus dusha uga tuuray hoggaanka maamulkaasi.
Xildhibaanadan ayaa Madaxweyne Lafta Gareen ku eedeeyey, in uusan heynin qorshihii loo samata bixin lahaa Baydhabo oo iminka wajaheysa go’doon, sababay in ay sare u kacdo maciishada quutul daruuriga ah.
Waxey Xildhibaanadan Lafta-Gareen ku eedeeyeen, inuu ka fekarayo oo qura sidii uu u sameysan lahaa muddo kordhin, isla markaana aanu ka shaqeyneyn arrimaha danta u ah reer Koonfur Galbeed.
3 gobol ee uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ka soo barakaceen qoysaska tuban duleedka Muqdisho, welina maamulku ma wado qorshihii uu dib dadkaasi ugu celin lahaa.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaanan weli ka jawaabin eedaha culus ee ay hawada u marinayaan xildhibaanada Barlamanka ee ka soo jeeda maamulkaasi.