Tababaraha Kooxda Arsenal Arteta iyo Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Edu Gaspar, ayaa doonaya in xagaagan ay iibiyaan xidigo ka mid ah kooxda, si ay dhaqaale uga sameeyaan, maaddaama kooxda ay lacago badan uga baxeen xagaagan suuqa kala iibsiga
Xidigaha in xagaagan la iibiyo qorsheysan waxaa ka mid ah daafac reer Scotland Kieran Tierney iyo weeraryahanka da’da yar Folarin Balogun oo muujiyey inuu mustaqbal ku leeyahay kubada cagta, kadib amaahdii uu ku soo qaatay kooxda ka ciyaarta horyaalka Faransiiska.
Sidoo kale xidigaha horaanta xilli ciyaareedkan ay Arsenal iska iibineyso waxaa qeyb ka ah daafaca dalka England Rob Holding, kaas oo qaab ciyaareedkiisa aanu qancin Arteta.
Kooxda Arsenal ayaa sanadkii la soo dhaafay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah, oo aan sanadihii la soo dhaafay looga baran, waxeyna ku dhameysteen kaalinta labaad ee Horyaalka.
Qorshahan lagu iibinayo xidigaha ayaa qeyb ka ah is baddelka ay kooxda ku wadaan Arteta iyo ninka ay sida aadka ah isku fahmeen ee Edu.