Waxaa la shaaciyey xilliga ay dhaceyso doorashada xisbiyada iyo tan madaxtinimada maamulka Somaliland.
Doorashada oo qabsoomideeda oo in badan uu muran ka taagnaa, ayey xilligan muuqataa in heshiis laga gaaray.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in bisha December ee sanadkan ay dhaceyso doorashada xisbiyada siyaasada ee Somaliland.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in bisha November ee sanadkan soo socda 2024, ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha, oo waqti badan la sugayey in la mudeeyo.
Go’aankan ayaa ku suura galay kadib kulmo wadatashi oo ay yeesheen daneeyayaasha siyaasada sida xisbiyada, ururada bulshada rayidka ah iyo madax dhaqameedka Somaliland, kuwaas oo Muuse Biixi ka dalbanayey inuu qabto doorasho.
Xisbiyada UCID, Wadani iyo Kulmiye oo ah kan tallada iminka haya ayaa ku loolamaya doorashada, waxaana sida la filayo uu tartan adag dhex mari doonaa labada xisbi ee kala ah Wadani iyo Kulmiye, kuwaa oo sanadihii ugu danbeeyey ku loolamayey siyaasadda maamulka gooni isu-taaga ku dhawaaqay.