Waxaa weli cakiran xaaladda maamulka Hirshabelle, halkaas oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya maamulka iyo midka uu ku dhawaaqay Cali Jeyte, gudoomiyihii hore ee xil ka qaadista ka biyo diiday.
Xaaladda adag ee ka taagan Hirshabelle, waxey sababtay in ay yaraato saameyntii ay Hirsahbelle ku lahayd Hiiraan, waxaana xafiisyadii isku koobay maamulka uu ku dhawaqay Cali Jeyte, ee la magac baxay Hiiraan State.
Xiisadan waxaa loo xil saaray, xildhibaano ka soo jeeda Hirshabelle, kuwaas oo ku guuldareystay in soo afjaraan.
Cali Jeyte ayaa sidoo kale, iska diiday casuumaad uu u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo usoo diray fariin ah inuu Muqdisho yimaado.
Lama ogga goorta, xal loo helayo khilaafkan oo ah mid daba dheeraaday, waxaana maalinba maalinta ka danbeysay ka sii dareysa xiisada.