Maxkamada racfaanka gobolka Nanaadir ayaa maanta u fariisatay dhegeysiga fadhiga koowaad ee dacwada loo heysto ajaanib tiradoodu gaareyso 36- kuwaas oo ku eedeysan in ay xeebaha Soomaaliya ka wadeen kalluumeysi sharci darro ah.
Eedeysanayaashan ayaa horey ay xukun ugu riday maxkamada gobolka Banaadir, waxaana 30 ka mid ah ay xukunkaasi ka qaateen racfaan, sida uu tilmaamay Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cismaan oo arrintaasi ka hadlay.
Dhinaca kale xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa sheegay in xiligii ajaanibtan la soo qabanayey uu khasaare ka soo gaaray ciidamada badda Soomaaliya, kadib weerar ay ku soo qaadeen Soomaali la socotay eedeysanayaasha ajaanibta ah.
Eedeysanayashan oo ka soo kala jeeda dalalka Iiraan iyo Pakistan oo ka hor hadlay maxkamada racfaanka ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka, maddaama aysan awoodin in ay iska bixiyaan lcagta lagu xukumay oo ah midkiiba 11kun oo doolar.