Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa duqeyn xooggan ka geystay deegaan lagu magacaabo Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo.
Duqeymahan oo soo billawday xalay saqdii dhexe ayaa soo gaaray ilaa salaadii subax ee saakay, waxaana la soo warinayaa in ay ka dhasheen khasaare kala duwan.
Inta la ogyahay waxaa duqeyntaasi ku naf-waayey labo ruux oo magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdulaahi iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Maskiinow, kaas oo ka tirsanaa dadka deegaanka.
Duqeymaha ayaa cabsi iyo walaac badan ku abuuray dadka deegaanka, kuwaas oo qaarkood doorbiday maanta in ay barakacaan.
Kenya ayaa inta badan duqeymo ka geysatay deegaanada Jubaland, waxaana duqeymahaasi uu khasaare ka soo gaaraa dadka rayidka ah, iyadoo aysan jirin cid kula xisaabtanta arrintaasi.