Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo Kowda Luuliyo oo ah markii koonfurta Soomaaliya ay ka xorowday gumeystihii Talyaaniga, isla maraana ay midoobeen waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu qabtay gudaha Muqdisho
Munaasabadan oo si heer sare loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka soo qeyb galay madxda ugu sareysa dalka, kuwaas oo khudbad ka jeediyey madasha, kana hadlay qiimaha maalinta kowda luuliyo.
Xuska munaasabada ayaa sidoo kale si aad ah looga dareemayey gudaha Muqdisho, waxaana shacabka ay isugu yimaadeen fagaarayaasha taariikhiga ee ku yaalla gudaha caasimada.
Xuska kowda Luuliyo ayaa ku soo aadeysa xilli ay bannaanka joogaan gobolada waqooyi ee Soomaaliya, kuwaas oo leh maamul la magac baxay Somaliland, oo doonaya aqoonsi caalami ah.