Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadii bilood ee ugu danbeysay dadaalo kala duwan ku bixinayey sidii ay wax isaga baddeli lahaayeen xaaladda dalka, isla markaana uu u guuleysan lahaa qorshaha dowladiisa.
Xasan Sheekh ayaa ahmiyad gaar ah siiyey, arrimaha ku wajahan sidii cuno qabateynta hubka loog qaadi lahaa Soomaaliya, wuxuuna gollaha amaanka hortooda ka jeediyey khudbad uu ku dalbanayo in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta hubka ee saaran.
Madaxweynaha ayaa isla arrintaasi kulan kala yeeshay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, oo la kulmay intii uu joogay Mareykanka.
Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha juhdi ku bixiyey la dagaallanka musuq maasuqa, isagoo dhiira galiyey dadaalada socda ee ilaa iyo iminka lagu soo xiray masuuliyiin badan oo musuq lagu eedeeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftay in dowladiisa ay kaalin weyn ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka, wuxuuna gollaha amaanka fadhigoodii ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadaneyso Macallimiin tiradoodu gaareyso ilaa 10,000
Madaxweynaha ayaa todobaadkan fariimo kala duwan u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu horeyn ugu baaqay in ay door ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Xasan Sheekh ayaa geesta kale muwaadiniinta Soomaaliyeed ka dalbaday in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala irdheyn kara, isla markaana taa baddelkeeda ay ku dadaalaan midnimadooda.
Haddaba dadaalada uu Madaxweynaha Soomaaliya bixinayo, ma noqon karaan kuwa mira dhal noqda, waa su’aasha ka guuxeysa maskaxda dadka la socda xaaladda dalka, waxaase laga dhursugayaa halka ay ku danbeeyaan arrimaha uu Madaxweynuhu diirada saarayo.