Dadka Soomaaliyeed ee sanadkan xajinaya, ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan, waana kuwo ka cabanaya in aysan helin adeegyadii ay mudnaayeen.
Xujeyda ayaa ka hor inta aysan dalka ka soo tagin bixiyey dhamaan tasiilaadkii u fududeyn lahaa in ay waajibaadkoda gutaan, taas oo ay sida ay filayeen aanan u dhicin.
Xujeyda Soomaaliyeed ayaa markii ay Sacuudiga ka degeen waayey basas geeya goobaha ay acmaasha xajka ku gudanayaan, halka dadkii ka socday wadamada kale ee Islaamka aanay caqabadaasi mudan.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey muuqaalo muujinaya iyagoo lugeynaya wadooyinka magaaloyinka Maka iyo Madiina, isla markaana gawaarida weydiisanaya codsi ah in la sii dhaweeyo.
Xujeyda sidoo kale looma diyaarin goobo ay seexdaan, waxaana muuqaalo laga soo duubay ay bidhaaminayaan daruufaha culus ee ay wajahayaan.
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa beenisay dhamaan cabashada ka imaaneysa dadka xujeyda ah, waxaana bulshada qaarkood ay wasaaarada ku ku eedeynayaan in ay ku kacday musuq maasuq, oo aanay xujeyda u qaban adeegyadii.