Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mareykanka ka wada dadaalo uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cuno qabateynta hubka ee saaran.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arbacadii tagay xarunta Pentagon-ka, isagoo halkaasi kula kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin.
Madaxweynaha ayaa masuulkan kala hadlay, dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, iyo muhiimada ay leedahay in waqtigan Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta hubka ee saaran.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyey, fadhiga gollaha amaanka, isagoo ka warbixiyey xaaladda amni ee dalka, wuxuuna dalbaday in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta hubka ee saaran.
Qubaro badan oo amni ayaa aaminsan in ay adag tahay in gollaha uu isku raaco in Soomaaliya laga qaado cuno qabateynta hubka, sababo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya, waxaana caqabado hor leh noqon kara colaadaha ka soo cusboonaaday maamullada qaar.