Taliyihii ciidamada lugta Jeneral Maxamed Tahliil Biixi, ayaa laga xayuubiyey masuuliyadaas, waxaana xilkaasi loo dhiibay, Sareeye guuto Axmed Aaden Cali.
Xil ka qaadista Taliha ciidanka lugta iyo kan xoogga dalka ayaa waxaa soo jeediyey Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana ansixiyey gollaha wasiirada.
Xilka ka qaadista hoggaanada ciidamada ugu sareeya ayaa ku soo aadday, xiili meelo ka mid ah gobollada dalka ay ka socdaan, dagaalo ay qeyb ka yihiin ciidamada xoogga dalka.
Lama ogga waxyaabaha magacaabista taliyayaashan cusub ay ku soo kordhin karaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo la filayo inuu dhawaan billawdo.