Magaalada Muqdisho waxaa si joogta ah uga baxo dhallinyaro badan kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu baqoolaya Turkiga, iyagoo halkaas ka billaabaya safar tahriib ah, oo ay ku beegsanayaan wadamada Yurub.
Dhalinyarada ayaa Turkiga ku taga Fiiso waxbarashada ama mid caafimaad, waxaana intaasi kadib ay doomo ka raacaan turkiga iyagoo beegsanaya Greeca, halkaas oo ay ku mutaan xaaladdo adag.
Qaarkood dhallinyarada ayaa safar lug ah ku gala Greeca, kaas oo ay ugu magac dareen “Jafta”, waxaana safarkaas, ay ka maraan dhibaatooyin culus.
Dhanka kale dhallinyaro badan ayaa aadda dalka Liibiya, si ay halkaasi uga soo raacaan doomo, ay ku gaaraan dalka Talyaaniga, waxaana ka hor inta aysan doomaha raacin ay gacanta u galaan ragga magafayaasha loo yaqaan, kuwaas oo u geysta jirdil, kana qaata lacago madax furasho ah.
Sanadkan aynu ku guda jirno keliya waxaa xeebaha Greeca, ku geeriyooday in ka badan kun qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo ay ku jiraan dad Soomaali ah.
Dhan walba oo laga eego, daruufaha kala duwan ee dalka ka jira ayaa dhallinyaro badan ku xanbaaraya in ay raadiyaan nolol dhaanta tan dalkooda hooyo, balse badankood waa kuwa la kulma dhibaatooyin fara badan halka qaar kalana ay noloshooda ku waayaan.