Inkastoo dhibaatooyin amni ay ku gadaaman yihiin magaalada Muqdisho, haddana caasimada 10 sano ee ugu danbeysay waxa ay ahayd mid soo kabaneysa dhanka bilicda.
Waxaa gudaha magaalada laga hirgaliyey Hotelo iyo Maqaayado aad u qurux badan, kuwaas oo xilli walba laga heli karo adeegyada muhiimka u ah shacabka.
Waxaa sidoo kale gudaha magaalada laga furay goobo ay dadku u dalxiis tagayaan xilliyada fasaxa iyo munaasabadaha kala duwan sida ciida, waxaana goobahaasi ku diyaar ah dhamaan agabka ay ku ciyaaraan caruurta.
Magaalada aya sidoo kale horumar la taaban karo ka sameysay dhanka Ganacsiga, waxaana gudaha caasimada laga yagleelay, Moolal cusub, oo ay dadku ka dukaameysan karaan.
Caasimada dalka waxaa sidoo kale xowli uga socda dhismayaasha kala duwan, kuwaas oo u badan fooqyada dhaadheer, ee loo yaqaan Dabaqa, kuwaas oo bilic hor leh ku kordhiyey magaalada.
Si kastaba dadka Muqdisho ayaa inta badan la kulma weeraro uga yimaado Al Shabaab, oo galaafta naf iyo maalba, balse shacabka ayaa ah kuwa aanan niyad jabin, iyagoo naawilaya in maalin un laga gudbi doono xaaladda adag ee dhanka amniga.