Dadka Muqdisho oo maanta dareemaya cabsi aad u fara badan, sababo ku aaddan warqad digniin amni ah oo Baraha Bulshada lagu faafiyo, taas oo sheegeysa in Al Shabaab ay maanta weerarayaan qaar ka mid ah Hotelada iyo xarumo Wasaaradeed
Maqaayadaha iyo Hotelada la magac dhabay waxaa ka mid ah, Java Resturant, Spaghetti, Dayax, Sanaag iyo Hotel maa’ida, waxaa sidoo kale warqada lagu sheegay in Al Shabaab ay maanta weerar ku qaadi doonaan qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya, sida Wasaarada Arrimaha Dibadde, tan Qorsheynta iyo mida Caafimadka.
Shacabka ayaa lagu wargaliyey in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, taas oo walaac badan galisay.
Bulshada ku nool degmooyinka caasimada ayaa isla dhex maraya sheekada warqadan dhex taalla Baraha Bulshada, waana arrin hakad galisay dhaq dhaqaaqa dad badan oo shacabka caasimada ka mid ah.
Dad badan oo qeyb ka ah, shacabka degan caasimada ayaa dhagaha ka fureystay warqadan digniinta amni ah, waana kuwa qabsanaya howlahooda maalinlaha ah.
Ma jirto war dowladda ka soo baxay oo ku saabsan walaaca ay dareemayaan dadka rayidka, lamana ogga cida digniintan Baraha Bulshada ku faafisay.
Al Shabaab ayaa inta badan maalinta Jimcaha ah weeraro ku qaada Maqaayadaha iyo Hotelada ay dadku isugu yimaadaan, kuwaas oo mashquul ah maalinta Jimcaha maaddaama shacabka intiisa badan ay ka nasanayaan shaqooyinkii todobaadlaha ahaa.